Baarlamaanka Soomaaliya oo fasax -gallay

International Somalia News

 

Arbaco, July, 11. 2018 (HOL) – Guddoomiyaha
Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal
Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay in la soo xiray kalfadhigii 3aad ee
Baarlamaanka.

Fariinta ku saabsan fasaxa Golaha Shacabka ayaa
lagu ogeysiiyay Golaha Wasiirada iyo Madaxweynaha in si rasmi ah Kalfadhiga
3aad loo soo xiray 10kii bishan July.

Guddoomiye Baarlamaanka ayaa sheegay in
kalfadhiga 4aad uu furmi doono 10-ka September ee soo socoto, iyadoo wixii ka
horeeyana ay fasax galayaan Xildhibaanada.

Kalfadhigii 3aad ee Baarlamaanka oo soo bilowday
10kii bishii March ayaa markii uu furmay waxaa hareeyay qalalaaso siyaasadeed
oo ka dhashay mooshin laga keenay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed
Sheekh Cismaan Jawaari, kaasoo markii dambe isku casilay cadaadis uga yimid
Xildhibaanada iyo Xukuumadda.

Fadhigii Baarlamaanka ayaa wixii ka dambeeyay
markii la doortay Guddoomiye Maxamed Mursal waxaa uu noqday mid caga jiid ah,
waxaana kulamadiisa ay ahaayeen kuwo aad u yaraa, iyadoo sidii loo fasaxay
bishii Ramadaan aanay mar kale dib la isugu soo noqon, waxaana muddooyinkii
kalfadhiyada Baarlamaanka uu gaabiska galay lagu macneeyay  in dib u dayactirka xarunta Golaha Shacabka.

C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online


[email protected]

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *