Baarlamaanka Soomaaliya oo dood ka yeelan doona tacadiyada ka jira Waddada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo

International Somalia News

 

Arbaco, July, 11. 2018 (HOL) – Xildhbaaannada ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,
laakiin ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa sheegay in kulamada ugu soo horeeya
ee Golaha Shacabka horgeyn doonaan cabasho ka dhan ah tacadiyada ka jirta
Waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Xildhibaannada ayaa sheegay in shacabka isaga
kala goosha labada magaalo dhibaato weyn ku qabaan marinka Waddada, iyaga oo la
kulma tacadiyo kala duwan iyo dil loo geysto intaba.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in
kulan gaar ah ka yeelan doonaan sida uu hadalka u dhigay dhibaatada ku jirta ku
safarka Waddada isku xirta Labada magaaalo.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif
Xassan Sheekh Aadan ayaa dhawaan ku dhaliilay ciidamada AMISOM in aysan waxba
ka qaban amniga jidka isku xira deegaannada Koonfur Galbeed iyo Muqdisho.

C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online


[email protected]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *