Al-shabaab oo dad ku xirxiray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

International Somalia News

 

Talaado,
Feberaayo, 13. 2018 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha
Hoose ayaa sheegaya in Al-shabaab xirxireen dad ay ku eedeeyeen in ay soo
dhaweeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.

Goobjoogayaal magacooda qariyay oo warbaahinta gudaha la
hadlay ayaa sheegay in 20 ruux ay xireen Al-shabaab, kuwaa oo ay ku eedeeyeen in ay soo
dhaweeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xariga dadkan ayaa yimid kaddib markii Al-shabaab ay dib u qabsadeen
deganaadan in ay bilaabeen baadigoobka dadkii soo dhaweeyay ciidamada, waxaana
dadka qaar saakay ay ka soo saareen Al-shabaab guryahooda oo ay xabsiga dhigeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *