Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa maanta Warbaahinta u sheegay in Saddex qof oo cusub laga helay cudurka Carona Virus oo ku sii baahaya caalamka.

Shir jaraa’id oo uu Saxaafada u qabtay ayuu kaga hadlay xaaladda guud ee Somaliland iyo saameynta cudurkan, isagoo Saddexdan qof ku sheegay in laba kamid ah ay ku sugan yihiin Hargeysa, halka ruuxa kalena uu ku sugan yahay magaalada Boorama.

Saddexda qof ee cusub waxa ay titada guud ee cudurkan uu ku dhacay dadka ku sugan Somalialnd ay ka dhigeysaa Shan ruux, iyadoo haatan lala tacaalayo sidii loo baxnaanin lahaa xaaladooda caafimaad.

Dhinaca kalena, Somaliland waxa ay joojisay in salaadaha lagu tukado masaajidda cudurka Coronavirus dartii, iyadoo goobaha wax barashaduna sii xirnaan doonaan halka gaadiidka dadwaynuhuna dhimi doonaan dadka raaca 50%

Go’aamadan waxa ay ka soo baxeen shir maanta ay Hargeysa ku yeesheen guddi Somaliland ay u magacawday sidii ay uga hortagi lahaayeen faafitaanka cudurka Carona Virus, iyadoo Ajaanibta ku sugan Somaliland ee aan sharciga ku jooginna la amray iney mudo 5 cisho ah deegaanadaas isaga baxaan.

 

Warkadalka.com

LEAVE A REPLY