Mareykanka oo mar kale sheegtay in uu duqeyn ku dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab

International Somalia News

  Jimco, Feberaayo, 23, 2018 (HOL) – Mareykanka ayaa sheegtay in ay ku dileen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab duqeyn 21kii bishan ka dhacday Tuulada Bangeeni oo 8 KM dhinaca galbeed kaga beegan degmada Jamaame ee gobbolka Jubbada Hoose. War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in ciidamada […]

Maamulka Koonfur Galbeed oo digniin u diray dadka Garsoorka u doonta Al-shabaab

International Somalia News

  Jimco, Feberaayo,  23, 2018 (HOL)-Maamulka gobolleeka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay soo saaray digniino ku aadan dadka u Maxkaamdaha u doonta deegaanada ay maamulaan Al-shabaab. Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xassan ayaa sheegay cid kasta oo loo arko in ay tagayaan meelaha Shabaab ay joogaan in aysan ku soo laabaneyn degaanada […]

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo ka hadlay maxaabiis laga sii daayay Xabsiga Jigjiga

International Somalia News

  Jimco, Feberaayo, 23, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay dowlad deegaanka uu cafis u fidiyay tiro badan oo maxaabiis ah. Mas’uuliyiinta maamulka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shalay xabsiga ka sii daayay ku dhawaad 1,500 Qof oo ka tirsan Jabhadda Mucaaradka ah ee ONLF ee ka dagaallanka […]

Golaha ammaanka oo aan wali go’aan ka gaarin qaraarka joojinta dagaalka Suuriya

International Somalia News

  Jimco, Feberaayo, 23, 2018 (HOL) – Xaaladda magaaladda Ghouta ayaa laga dayrinayaa xilli wali golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay isku afgaran la’yihiin qaraar dagaalka lagu joojinyo. Farnsiiska ayaa sheegay in haddii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ku guuldaraystaan in ay caawiyaan boqolaalka qof ee rayidka ah ee ku xanniban dagaalka Suuriya ay […]

Shacabka Jabuuti oo maanta u dareeraya doorashada xubnaha baarlamaanka

International Somalia News

  Jimco, Feberaayo, 23, 2018 (HOL) – Waxaa maanta oo Jimco ah dalka Jabuuti ka bilaabaneysa codbixinta doorashada baarlamaanka oo ay ku tartamayaan Xisbiyada siyaasada dalkaas. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Baarlamaaniga ah ee dalka Jabuuti Diini Maxamed Burhaan, ayaa VOA u sheegay ayaa sheegay in ay si hufan u kormeeri doonaan goobaha ay codbixintu ka socdaan. […]

Doorashada Baarlamaanka Jabuuti oo Saakay Loo Dareeray

VOA

WASHINGTON. D.C —  Dalka Jabuuti waxaa saaka looga dareeray goobaha codbixinta iyadoo dadweynuhu ay soo dooran doonaan baarlamaanka waddankaasi oo ka kooban 65 xubnood. Kuraasta baarlamaanka 10 kursi mooye inta kale waxaa heysta isbahaysiga takada haya ee MRD. Wararkii ugu dambeeyey ee furitaanka goobaha codbixinta ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Guddoomiyaga Doorashada Diini Maxamed […]

Madaxweyne Farmaajo oo xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga

International Somalia News

  Khamiis, Feberaayo, 22, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga Mudane Hakan Çavuşoğlu iyo wafdi uu hoggaaminayey. Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga taageerada ay mar walba la garab taagantahay Soomaaliya, waxa uuna ammaanay xiriirka walaaltinnimada leh ee kala dhexeeya Turkiga. […]

Dowladda oo sheegtay in gadiid qaraxyo sida soo galeen magaalada Muqdisho

International Somalia News

  Khamiis, Feberaayo, 22, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay gaadiid qaraxyo sida oo ku jira magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada ammaanka feejignaan sare la geliyay. Shirkii golaha Wasiiradda ee maanta ayaa looga hadlay warbixino amni oo la helay iyaga oo digay qatar ka iman karta qaraxyo ka dhaca caasimada. Wasiirka Amniga […]

Mareykanka: 3 Shabaab ah Ayaan Duqeyn Ku Dilney

VOA

Saddex ruux ayaa ku geeriyootay duqeyn xalay ka dhacday tuulada Bangeeni oo 8 KM dhanka galbeed kaga beegan degmada Jamaame ee gobbolka Jubbada Hoose. Mareykankana waxa uu sheegay in uu duqeyn ku diley seddax ka mid ah maleeshiyaadka meel ku dhow degmada Jilib 19kii bishan Febraayo. Khadar Maxamud Xareed ayaa warbixintan ka soo diray Nayroobi. […]